Agaasimaha isgaarsiinta ee waaxda qaran ee adeegga booliska Mr. Bruno Shioso ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shalay ciidamada ammaanka ay gagida caalamiga ee diyaaradaha ( JKIA) ee magaalada Nairobi ku xireen qof ajnabi ah oo dalka soo galay isagoo sido agab doorasho.
Booliska ayaa tallaabada ay qaadeen u aaneeyay in agabka codeynta uu yahay mid xasaasi ah.
Laamaha ammaanka ayaa xarigga qofka la qabtay oo aan magaciisu la shaacin u cuskaday in an lagu wargelin arrintaasi, in qofka la xiray uunan wehelin sarkaal ka tirsan guddiga doorashooyinka ee IEBC iyo in agabka lagu waday boorsada khaaska ah ee ajnabiga.
Hasa ahaate baaritaano dabagal ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in warqadahaasi ay ka mid yihiin qalabka codeynta ee IEBC.
In kastoo guddiga doorashooyinka oo saacado ka hor bayaan soo saaray uu xusay in dadka la xiray ay saddex qof yihiin, haddana qoraalka booliska waxaa ku cad in ciidamadu ay hal ruux qabteen.
Ugu dambeyn tuhmanaha ayaa laga siidaayay xabsiga iyadoo warqadihii uu sidayna lagu wareejiyay guddiga doorashooyinka dalka.
PRESS STATEMENT
THE ARREST OF A FOREIGNER WITH IEBC RELATED MATERIALS pic.twitter.com/Lm4FMvr9Cb
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) July 22, 2022