Nin gabadh yar ku faraxumeeyay Nairobi oo la xiray 45 sano

0
368

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa xukun xabsi oo 45 sano ah ku ridday nin 39 sano jir ah oo lagu magacaabo Erastus Kariuki.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inuu gabadh ay da’deedu tahay labo sano uu ku faraxumeeyay gudaha kaniisad ku taalla xaafadda Zimmerman ee caasimadda dalka.
Waxaa xukunka dul dhigtay garsoore Wandia Nyamu.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqday inuu ninkan ku kacay fal baniaadannimada ka baxsan oo uu qirtay.