Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa toddobo garsoorayaal ah oo shalay loo dhaariyay inay ka howlgalaan maxkamadda racfaanka ee wadanka ku boorriyay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan.
Waxaa uu kula taliyay inay ilaaliyaan habdhaqanka laga doonayo oo aynan cidna ka cabsan ama u eexan.
Xaakinnada ayaa lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada wadanka ee State House ee magaalada Nairobi.
Mr. Kenyatta ayaa garyaqaannada kula dardaarmay dardargelinta adeegyada cadaaladda.
Sidoo kale waxaa uu ka codsaday inay gacan siiyaan isbeddellada dhanka garsoorka ee dadweynaha loogu fududeynaya helidda adeegyada maxkamadeed.
Xaakinnada ay dhaarisay madaxa diiwaangelinta ee waaxda cadaaladda dalka Anne Amadi ayaa kala ah Gachoka Paul Mwaniki ,Achode Lydia Awino, Ochieng Frederick Andago, Mativo John Mutinga, Ngenye Grace Wangui, Kimaru Luka Kiprotich iyo Aroni Abida Cali.
Magacyada garsoorayaasha uu magacaabay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu dambeyna la dhaariyay ayaa waxaa soo gudbiyay guddiga adeegga cadaaladda ee (JSC).
14-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii JSC ay xayaysiisay inay jiraan fursado shaqo oo ka bannaan maxkamadda racfaanka ee dalka.
Waxaa xigtay turxaan bixin lagu sameeyay shakhsiyaad dhowr ah oo codsiyo soo dirsatay oo toddobada laga dhex xushay.
1/4
President Uhuru Kenyatta has urged seven newly appointed Court of Appeal judges to serve the nation with fidelity, integrity and without fear or favour. pic.twitter.com/xVw4et4rV5— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 20, 2022
3/4
Judiciary Chief Registrar Anne Amadi conducted the swearing-in ceremony of the 7 appellate judges; Lawyer Gachoka Paul Mwaniki and High Court Judges Achode Lydia Awino, Ochieng Frederick Andago, Mativo John Mutinga, Ngenye Grace Wangui, Kimaru Luka Kiprotich & Aroni Abida Ali pic.twitter.com/8FMMvvthAH— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 20, 2022