Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku ridday Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalkaasi gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka Oktoober, kaas oo 29-kii bishii Afaraad ee Sanadkan dil u gaystay Marxuum Saciid Xasan Shiiqow.
Eedeysane Dable Maxamad Aadan Maxamad Cali (Gaduudow) ayaa waxaa uu xabad si kas ah ugu dilay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow, xilli uu afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Booliska raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.
25-kii bishii Shanaad May ee sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada oggolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.
Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goobjoogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka ka dib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Oggolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamad Aadan Maxamad.
Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamad Aadan Maxamad Cali (Gaduudow) Dil toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamad Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Waxaa uu Xukunsanaha Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.