Guddoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Maanta inay burbureen wadahadalladii u dhexeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.
Shir jaraa’id oo ay Maanta si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uu mas’uul ka yahay inay burburaan wadahadallada Xukuumadda iyo mucaaradka.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wadahadalladii xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday