DHAGEYSO:Xukuumadda Somaliland oo deegaannadeeda ka mamnuucday idaacadda BBC-da

0
435

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inay go’aamiyeen inay joojiyaan in Idaacadda laanta afka soomaaliga ee BBC-da ka howlgasho deegaannada Somaliland, ka dib markii sida uu hadalka u dhigay ay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii jamhuuriyaddaasi.
Shir jaraa’id uu wasiirka u qabtay Warbaahinta ayuu sheegay in idaacadda BBC-da ay ku xadgudubtay qarannimada Somaliland, islamarkaana ay meel uga dhacday dadka Somaliland, ayna aqoonsan waayeen in Somaliland tahay dal madax bannaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay BBC-da ay lumisay dhaqankii iyo wadashaqeyntii kala dhexeyay Shacabka Somaliland, sidaas daraadeedna shaqadii BBC-da ay ka haysay deegaannada Somaliland la joojiyay laguna wargelinayo dhammaan mas’uuliyiinta Somaliland.

Wasiir Saleemaan Cali Koore si faahfaahsan uma shaacin sababaha keenay in deegaannadooda ay ka mamnuucaan ka Shaqeynta Idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaaliga.
Somaliland oo aaminsan in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale ayaa dhowr jeer waxaa ay deegaannadeeda ka mamnuucday inay ka Shaqeeyaan Warbaahinno kala duwan walow markii dambe loo fasaxay.