Nin da’adiisu lagu sheegay 22 sano jir ayaa dhintay ka dib markii ay soo weerareen dadka ku nool tuulada Karundori ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Runyenjes ee ismaamulka Embu.
Waxaa ninkan looga shakiyay in uu faraxumeeyay haweeney 100 sano jir ah.
Taliyaha booliska bariga dowlad deegaanka Embu Emmanuel Okanda oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa magaca ninka la dilay ku sheegay Pius Mwireri.
Waxaa uu intaasi ku daray in uu dhiig baxay ka dib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray jirdil ay u gaysteen dad careysan.
Taliyaha ayaa sheegay in baaritaanno ay haatan socdaan, isagoona ka codsaday dadka deegaanka in ay ka waantoobaan in ay sharciga gacmahooda ku qaataan.