Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC , Wafula Chebukati ayaa sheegay inay go’aan ka soo saari doonaan caqabad uu wajahaya barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo doonaya inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Mombasa.
Chebukati ayaa hoosta ka xarriiqay inay daraasayn doonaan qodobbada garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay u cuskadeen go’aankoodi Jimcada.
Xaakinnada ayaa maalinkaasi sheegay in bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii si sharci ah xilka barsaabnimo ee Nairobi looga xayuubiyay Sonko.
Hasa ahaate Chebukati ayaa xusay inay go’aan kama dambeys ah qaadan doonaan marka ay si qoto dheer oo fasiraad sharci ah ku saleysan ay ku sameyaan go’aankii maxkamadda ka soo baxay.
Waxaa uu sheegay inuusan weli si gaar ah u eegin qoraalka maxkamadda.
Guddoomiyaha IEBC ayaa carrabka ku dhuftay inay Isniinta ama Talaadada caddeyn doonaan mowqifkooda.
13-kii bishan ayay ahayd markii guddiga IEBC uu Mike Sonko u ansaxiyay inuu u tartamo jagada guddoomiyaha Mombasa.
Guddiga ayaa u hoggaansamayay amar uga yimid maxkamadda sare ee dalka.