Fred Matiang’i oo gaashanka u daruuray in laamaha amniga ay hal dhinac u xagliyaan

0
373

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr.Fred Matiang’i ayaa ku boorriyay siyaasiyiinta in ay ka waantoobaan inay siyaasadeeyaan arrimaha amniga.
Waxaa uu xusay in dhaleeceynta aan loo meel dayin ee lala beegsanayo hay’adaha amniga ay ka hor istaagi karto inay si hufan u gutaan waajibaadkooda.
Dr. Matiang’i ayaa gaashanka u daruuray sheegashada ah in hay’adaha amniga ay hal dhinac u xagliyaan isagoona carrabka ku adkeeyay in laamaha amniga ay dhexdhexaad ka yihiin marka ay timaado arrimaha doorashada.
Hadalkan ayuu ka jeediyay kulliyadda tababarka ee ciidamada maamulka ee loo yaqaano AP oo ay xaruntooda ku taalla deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Inkastoo uu qiray in laamaha amniga ay leeyihiin siyaasad u gaar ah si la mid ah dadka kale ee Kenyaanka ah, haddana Matiang’i ayaa ku boorriyay saraakiisha inay iska fogeeyaan dadaal kasta oo ay sameeyaan siyaasiyiinta si ay ugu biiraan garabkooda.