Baarlamaanka oo ansaxiyay sharci ku saabsan daryeelka caafimaad ee dalka dibadiisa

0
594

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharci dhigaya in qofka xanuunsan aan lagu soo daaweyn karin wadanka dibadiisa ilaa iyo inta uu ka quusanaya in daryeel caafimaad uu ka helo isbitaallada ku yaalla dalka.
Waxaa hindisahan baarlamaanka u gudbiyay xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kesses ee ismaamulka Uasin Gishu Dr. Swarup Mishra.
Xubnaha baarlamaanka ayaa galinkii dambe ee shalay isku raacay in qofka xanuunsan loo qaadi karo wadan kale keliya marka isbitaallada gudaha ay soo bandhigaan caddeyn lagu qanci karo oo ku aaddan in aynan lahayn awood ay ku daaweeyaan.
Wasaaradda caafimaadka ayaa laga doonaya in ay soo saarto nidaam go’aankan lagu dhaqan gelinaya.
Sharcigan ayaa hadda maamullada isbitaallada Kenya ka hor istaagaya in ay bukaan u diraan dibadda si loo soo daaweeyo iyada oo xaaladiisa lagula tacaali karo gudaha dalka.
Sharciga waxaa sidoo kale ku qeexan in qofku uunan dalka dibadiisa ka raadsan karin daryeel caafimaad iyada oo aynan wasaaradda caafimaadka u oggolaan.
Wasaaradda caafimaadka ayaa laga soo xigtay in sanad kasta 10,000 oo Kenyaan ah ay dibadda ugu safraan howlo caafimaad oo gaar ah.
Waxay intaa ku dartay in arrinkan ay ku baxdo lacag dhan 15 milyan oo shilin halka wadamada ugu badan ee ay Kenyaanka daryeel caafimaad u doontaan ay yihiin Koonfur Afrika , India, Ingiriiska iyo Maraykanka.