Nin 6 qof lacag uga qaatay inuu shaqaaleysiinaya oo damiin lagu siidaayay

0
325

Waxaa maxkamadda la soo taagay eedeysane lagu magacaabo Nelson Mukara Sechere oo lagu soo oogay dacwad ah inuu 6 qof ka qaatay lacag dhan 2.4 milyan oo shilin isagoo sheegaya inuu leeyahay awood uu ku shaqaaleysiin karo.
Nelson ayaa shakhsiyaadka shaqo doonka ah u ballanqaaday inuu ka howlgelin doono waaxda qaran ee adeegga booliska.
Waxaa uu ka soo hormuuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi .
Hasa ahaate waxaa uu iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay iyadoo ay maxkamaddu ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan 50,000 oo shilin.