Dowladda dalka Shiinaha ayaa maanta oo Talaado ah xayiraad ku soo rogtay magaalada Wugang ee gobolka Henan oo ay ku nool yihiin in ka badan 300,000 oo qof.
Tani ayaa timid ka dib markii halkaasi laga xaqiijiyay kiis la xiriira cudurka COVID-19.
Ugu yaraan 320,000 oo qof ayaan loo oggolayn in ilaa 12-ka duhurnimo ee Khamiista ay guriyahooda ka baxaan marka laga reebo inay raadsanayaan waxyaabaha daruuriga ah.
Gudaha Shiinaha ayaa maanta laga xaqiijiyay xaaladaha cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 347.
Guddiga qaran ee caafimaadka ee xukuumadda Beijing ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan boqolkiiba 80 ee dadka laga helay caabuqa aynan muujin wax astaamo ah.