Taliska Booliska Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in gabi ahaanba baabuurta yar yar ee loo yaqaano bajaajta, aysan shaqeyn karin wixii ka dambeeya 12-ka habeenimo ee Saqda Dhexe.
Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyey in tallaabo laga qaadi doono Bajaajtii lagu helo inay shaqeyso wixii xiligaas ka dambeeya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in la mamnuucay ciidan aan ahayn kuwa booliska, in hub ay ku dhex wadan karaan magaalada.
Maxamad Cabdi Wehliye, oo ka mid ah Bajaajta dadka ku shaqeysta ee magaalada Muqdisho, oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, ayaa tilmaamay in shidaal badan ay isticmaaleyso bajaajtiisa, isagoo sheegay inaynan isku dhigmin dakhliga iyo waxa ka baxayo.
Bajaajleyda ayaa sidoo kale sheegay inay jecel yihiin shaqeynta xilliyada dambe, maadaama shaqadu sahlan tahay oo ciriiriga waddada uunan badneyn.