Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya ,Raila Odinga ayaa shalay isku soo bax siyaasadeed ka sameeyay ismaamulka Narok.
Waxaa uu shacabka halkaasi ku nool u ballanqaaday in haddii uu hoggaanka wadanka qabto maamulkiisa uu ilaalin doono keynta Mau ee dowlad deegaankaasi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu xaqijin doono in dadweynaha Narok ay si buuxda uga faa’iidaystaan dhaqashada xoolaha oo ay inta badan nolol ahaan ku tiirsan yihiin.