Dowladda Soomaaliya oo xayiraado hor leh soo rogtay

0
655

Xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro la xariira cudurka Coronavirus, waxaana hakad la geliyey muddo laba toddobaad ah goobaha waxbarashada dalka, sida jaamacadaha iyo iskuullada, gaadiidleyda ayaa lagula dardaarmay inay aad u feejignaadaan, isla markaana dhowraan nadaafadda, guud ahaan dadkana waxaa waajib looga dhigay inay xirtaan afka oo faraxalka joogteeyaan.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee DFS Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in wixii berri ka dambeeya la dhimi doono isu socodka caasimadda iyo gobollada dalkaasi.
Sidoo kale waxaa ku jira go’aanadaan cusub in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda , kuwaas oo wasiirku sheegay in xaafadahooda ay ka soo shaqeyn doonaan, sidoo kale muddo 30-cisho ah la mamnuucay xafladaha, aroosyada iyo goobaha caweyska ee dadka badan ay isugu yimaadaan.
Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataan Afxirka wajiga.
irka wajiga.
Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah.
Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah:
1.In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir
2.In qof kasta oo imaaanya isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask
Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021.
Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka.
Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19.
Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaallada iyo Farmashiyaasha.
Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir.