DHAGEYSO:Musharraxiinta barasaabnimo ee Nairobi oo dood loo qabtay

0
316

Waxaa gelinkii dambe ee shalay xarunta jaamacadda Catholic University ee bariga Afrika ee magaalada Nairobi dood loogu qabtay musharraxiinta u tartamaya xilka barasaabnimo ee caasimadda wadanka.
Wareegii ugu horreeyay ee doodda waxaa ka qayb galay musharraxiinta kala ah Esther Waringa Thairu, Kenneth Nyamwamu, Nancy Wambui Mwadime iyo Harman Singh Grewal.
Denise Kodhe ayaa xilli dambe qaab qoraal ah uga cudur daartay ka qayb qaadashada doodda halka labo musharrax oo aan magacyadoodu la shaacin aynan iska xaadirin goobta.
Dhammaan musharraxiintan ayaa ah kuwo shacabka ka haysta taageero ka hooseyso boqolkiiba 5 taaso lagu saleeyay ra’yi uruurin kala duwan oo la sameeyay .
Musharraxiinta ayaa muddo hal saac iyo bar ah shacabka ku nool Nairobi u soo bandhigayay qorshahooda hoggaamineed haddii ay doortaan 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa qaybtii hore ee doodda diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin biyaha , la dagaalanka musuqmaasuqa, adeegga guriyeynta iyo xal u helidda ciriiriga isku socodka baabuurta ee magaala madaxda wadanka.
Kenneth Nyamwamu ayaa halkaasi ka sheegay in sida xal waara loogu heli karo lunsashada kheyraadka dadweynaha ay tahay in la daldalo shakhsiyaadka dembigan lagu cadeeyo.
Esther Waringa Thairu ayaa ah musharrax madax bannaan ,Kenneth Nyamwamu waxaa uu matalaya xisbiga UPA,Harman Singh Grewal ayaa isna ka socday xisbiga Safina halka Nancy Wambui Mwadime oo ganacsata ah ay matalaysa xisbiga Usawa Kwa Wote Party.
Ka dib markii ay doodda soo idlaatay ayay musharraxiinta warbaahinta la wadaageen dareenkooda ku aaddan doodda iyo sida ay codbixiyeyaasha ugu qanciyeen inay u codeyaan waxaana hadaladooda ka mid ahaa.

Xilka guddoomiyaha ismaamulka Nairobi waxaa loolan ugu jiro ilaa sagaal musharrax.