Madaxweynaha dalka oo dhagax dhigay dhismaha xarunta xaaladaha degdegga ee WHO

0
364

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ismaamulka Kiambu si rasmi ah uga dhagax dhigay dhismaha xarun ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO halkaasi ka hirgelinayso.
Waxaa xarunta lagu tilmaamay halbowlaha howlaha iyo tasiilaadka WHO ee qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa hay’adda uga mahadceliyay go’aanka ay qaybtan qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah uga hirgelinayso Kenya.
Kenya ayaa ka mid ah saddex waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika oo ay WHO ku tala gashay inay ku diyaariso dhakhaatiir heegan ah iyo qalab dalalka ka caawinaya in wax ka qabtaan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.
Labada waddan ee kale ayaa ah Senegal iyo Nigeria waxaana sidoo kale xarumahan lagu tababari doonaa saraakiil caafimaad oo leh karti ay hal xilli uga falcelin karaan in ka badan 100 xaaladood.