Waxaa dunida islaamka maanta looga dabaal degayaa munaasabadda ciidul Adxaa.
Waxay dadku isugu soo baxeen oo ay salaadda ciidda ku tukadeen masaajidda iyo garoomada magaalooyinka kala duwan iyagoo isku hambalyeeynaya.
Haddaba sideey saaka bulshada ku nool xeryaha qaxootiga ee Dadaab ugu soo baxeen munaasabadda ciidul Adxaa, iyadoo halkaasi uu ka jiro sacir bararka dhanka maciishadda ah.
Maxamad Baaruud Xussen ayaa qodobkan inoo soo diray.
Dhanka kale ismaamulka Wajeer sidee looga ciidayaa? Cabdiraaxmaan Mucaawiye ayaa dhameystiraya
Dadweynaha maanta ku ciiday magaalada Mandera ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star, sida uu waxbixintan ku eegaya Cabdiqafaar Cumar Ibraahim (Cabdiqafaar Happy)
Goobaha sida wayn maanta looga oogay salaadda Ciidda waxaa ka mid ah magaalada Mombasa, sida uu ku soo warramayaa wakiil wareedka warbaahinta Star ee gobolka Xeebta Maxamad Cabdi Bootaan
Shacabka ku nool Garissa ayaa lagu boorriyay inay nabadgalyada ku dadaalaan.
Bishaar Axmad Dhaqane ayaa qodobkan dhameystiraya