Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe oo u dhintay dhaawac la gaarsiiyay xilli uu ka khudbeynayay isku soo bax siyaasadeed.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in dhacdadaasi uu aad uga naxay.
Shinzo Abe ayuu ku tilmaamay saaxiib aad ugu dhowaa sidoo kalena kala shaqeynayay horumarka Kenya.
Toogashada lagu dhaawacay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan ugu dambeyna uu u geeriyooday ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku sheegay mid si wuxushnimo ah loo fuliyay.
Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii Shinzo Abe uu safar ku yimid dalka xilli la qabanayay shirweynaha caalamiga ee Tokyo ee horumarka Afrika oo loo yaqaano TICAD.
Isaga iyo madaxweyne Kenyatta ayaa xilligaasi madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ku yeeshay wada hadallo labo geesood ah.
1/4
President Uhuru Kenyatta has joined fellow world leaders in mourning Japan's former Prime Minister Shinzo Abe who died today after being shot at a political campaign meeting. pic.twitter.com/LoYK4QlIBc— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 8, 2022