Hoggaamiyayaasha caalamka ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu dilay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe.
Waxaa uu ra’iisul wasaaraha hore ee Japan u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho loo gaystay, xilli uu khudbad ka jeedinayay goob fagaare ah..
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa geerida Shinzo Abe ku tilmamaay khasaare, islamarkaana xusay in dunida uu ka baxay mas’uul heer sare ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu wax badan ka qabtay horumarinta xiriirka laba dal ee Ruushka iyo Japan, xilligii uu xilka hayay.
Ra’iisul wasaaraha wadanka Jarmalka Olaf Scholz, ayaa dhankiisa aad uga naxay geerida Abe islamarkaana uu murugada la qaybsanayo shacabka Japan oo uuna garab istaagaya wakhtigan adag.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dunida ay lumisay hoggaamiye heer sare ah.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter ayuu madaxweyne Macron ra’iisul wasaarihii hore ee Japan ku sifeeyay shakhsi naftiisa u huray dalkiisa kana shaqeeyay sidii uu u xaqiijin lahaa nidaamka wanaagsan ee caalamka.
Ra’iisul wasaaraha xafiiska sii baneenaya ee boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay in Britain ay garab taagan tahay Japan xilligan adag, ka dib weerarkii maanta lagu dilay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ka tacsiyeeyay geeriday Abe, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye aragti dheer leh oo kor u qaaday xiriirka laba dal ee xulafada ah.
Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ayaa sheegay in geerida Abe uu wadankiisa aad uga naxay.
Abe ayaa la toogtay abaare 11:30 barqanimo maanta ee saacadda maxalliga ee dalka Japan.
Sidoo kale wararku waxay tilmaamayaan in qoriga uu adeegsaday ninka loo malaynayo inuu weerarka gaystay uu yahay qori gacan ku sameys ah.
Abe ayaa soo noqday ra’iisul wasaaraha Japan intii u dhexeysay sanadihii 2012-kii ilaa 2020-kii taas oo ka dhigeysa ra’iisul wasaarihii ugu wakhtiga dheeraa wadankaasi.