Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay boqollaal ka mid ah hoggaamiyayaasha diimeed ee ka soo jeeda gobolka bartamaha dalka.
Iyadoo ay bil ka harsan tahay doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ayuu Mr. Uhuru Kenyatta ka codsaday madaxda diimeed ee uu la kulmay inay qaranka u duceeyaan sidoo kalena hoggaanka ugu sarreeya dalka ku taageeraan Raila Odinga.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu la kulmay in ka badan 3000 oo ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka bartamaha dalka, isagoona ka codsaday in ku xigeenka madaxweynaha dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto uunan saameyn ku yeelan codeynta guud ee soo socoto gaar ahaan gobolka Mt. Kenya
Mr. Kenyatta oo ka soo jeeda deegaanka koonfurta Gatundu ee ismamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka ayaa si adag uga shaqaynaya sidii uu gobolkaasi u taageero badan uga heli lahaa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Uhuru ayaa haatan ah guddoomiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ahna hoggaamiyaha xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee.
His Excellency President Uhuru Kenyatta is today at State House, Nairobi hosting hundreds of religious leaders from Central Kenya Region for a non-denominational worship and prayer service. pic.twitter.com/QUzzPYlzDU
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 8, 2022