Al-Shabaab ayaa si adag u beenisay war ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ahaa, in Ururka Al-Shabaab ay maalgeliyaan kooxaha ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeria.
Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “sharaf dhac” waxayna ku eedeeyeen inuu fulinayo siyaasad gumeysi ah oo looga faa’idaysanayo Kheyraadka Soomaaliya.
“Siyaasad ku dhisan khiyaano iyo faafinta ula kac ah ee been abuurka ah kama caawin doonto Xasan Sheekh inuu sii hayo kursiga muddo dheer,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in lacagaha ay soo aruuriyaan Al-Shabaab lagu maalgeliyo Kooxaha Booka xaraam iyo Daacish ee ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeria.
Madaxweynuha ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Al-Shabaab loo adeegsado in lagu fuliyo qorshayaasha Alqaacida ay la leedahay Soomaaliya iyo dalal kale.
Maalmo ka hor madaxweynaha ayaa sheegay inay Al-Shabaab leeyihiin awood aan looga adkaan karin dagaal kaliya, isaga oo sheegay in xilligaan uusan la galeyn wax wada xaajood ah.