Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna oo wareysi siiyay idaacadda Radio Citizen ayaa sheegay in sare u kaca maciishadda ee ay hadda Kenyaanka wajahayaan aynan ahayn arrin lagu eedeyn karo madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Oguna ayaa caqabadaha jira u aaneeyay saameynta ka dhalatay duullaanka militari ee Ruushka ee gudaha Ukraine.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sicir bararka uunan ahayn mid hadda culeys ku hayo keliya dalka balse si guud caalamka.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xusay inaysan cadaalad ahayn in madaxweyne Kenyatta si shakhsi ah eedda dusha looga saaro.
Waxaa uu ku celceliyay inay nasiib darro tahay in sare u kaca qiimaha maciishadda la siyaasadeeyay.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in heshiiskii sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha ODM Raila Odinga uu sabab u noqday kororka maciishadda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay tahay arrin aan sax ahayn oo codad looga raadsanaya dadweynaha.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa tilmaamay inay jiraan faa’iidooyin badan oo laga helay heshiiskii Uhuru iyo Raila oo ay ka mid tahay xasiloonida iyo dardargelinta fulinta mashaariicda horumarineed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay soo saartay lacag dhan 5.5 bilyan si loogu adeegsado wanaajinta howlaha beeraha ee dalka.
Cyrus Oguna waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in sare loo qaado wax soo saarka beeraha si shacabka looga badbaadiyo cunno yari.
Dhanka kale qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu wadayaasha baabuurta ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan si looga baaqsado shilalka khasaaraha nololeed sababo.