Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA si guudna hoggaaminaya isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa ballanqaaday in haddii hoggaanka wadanka loo doorto uu maamulkiisa soo afjari doono dhibaatooyinka amni darro ee ka jiro dowlad deegaanka Marsabit.
Xilli uu ololihiisa siyaasadeed halkaasi geeyay ayuu shacabka Marsabit u sheegay in si la mid ah kenyaanka kale ay xaq u leeyihiin xaqiijinta badqabkooda iyo hantidooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weli ismaamulka Marsabit uu ka jiro bandow ay saartay dowladda dhexe ka dib falal amni darro oo ku soo noqnoqday.