DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay degmada Afgooye oo lagu dilay taliye ciidan

0
497

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow gudaha degmadaas uu ka dhacay qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmadaasi.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil gaar ahaan waddada u leexata dhanka Dugsiga Sare ee Afgooye, waxaana lala eegtay gaari uu watay Taliyaha Rugta Tadaamun ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.
Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Madoowe ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qaraxa lala beegsaday, wuxuuna qaraxu ku qabsaday xilli uu marayay waddada u leexata dhanka Dugsiga Sare ee Afgooye, ma jiro khasaaro kale oo ka dhashay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa durbadii gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, islamarkaana xiray waddada, iyagoona u diidaya inay maraan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxayna goobta ka qaadeen Meydka Taliyaha.
Laamaha ammaanka Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas lagu dilay Taliyihii Rugta Tadaamun ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Afgooye.