Keymaha cagaaaran ee Sanaag oo gubanaya iyo gurmad xooggan oo socda

0
324

Waxaa wali socda dadaallo xooggan oo lagu daminayo dab xooggan oo qabsaday Keymaha cagaaaran ee Sanaag, dabkaasi oo socda saacado badan sidoo kalena ku faafay dhul aad u ballaaran.
Deegaanka Gaacidh ee Gobolka Sanaag, oo ah deegaan aad u qurux badan oo leh dhul daaqsimeed cagaaran ayuu dabku baab’iyay, waxaana uu ku sii fiday dhulka Keymaha ah ee Deegaankaasi, halkaasi oo laga soo sheegayo xaalad aad u xun.
Sawirro iyo Muuqaallo inaga soo gaaray dhulka Gubanaya ayaa waxaa ay muujinayaaan khasaaro baaxad leh oo gaaray dhulka Cagaaran ee ku wanaagsan daaqsimeedka, sidoo kalena ah dhul buuraleey ah oo dhirtu ay aad ugu badan tahay.
Dabka oo saacado badan socday ayaa marba marka ka dambeysa waxaa uu ku sii fidayaa dhul hor leh, waxaana adag in la joojiyo maadaama uu yahay mid xooggan sidoo kalena ay adag tahay in goobta uu gaaro gurmadkii loo baahnaa.
Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka ayaa gaaray deegaanka, waxaana socda dadaallada, iyadoo Maayarka, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ay tageen halka Gubanaysa.
Sidoo kale gurmadka ayaa goor dhow gaaray sida wararku sheegayaan, waxaana Saraakiisha Booliska oo goor dhawyd hadlay ay baaq u diren Cid kasta oo gacan ka gaysan karta dabkaasi khasaaraha badan dhaliyay.