In ka badan 200 carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay Soomaaliya

0
609

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo carruur ah ay Soomaaliya ugu dhinteen nafaqo darro tan iyo bishii Koowaad ee sanadkan, iyadoo dalka ay ka dhacday cunno yari musiibo ah markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Xaaladda abaarta ayaa sii xumaatay ka dib markii afartii sano ee isku xigta ay roobabkii ka di’i waayeen sideed gobol oo dalka Soomaaliya ka mid ah, halka lix gobol ay ka da’een bishii Shanaad ee May ee sanadkan, taas oo keentay in qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay ay qarka u saaran yihiin macluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
“In ka badan 7 milyan oo qof ayaa ay dhibaatadu saameysay, marka loo eego 6.1 milyan bishii May, in ka badan 805,000 waa ay barakaceen,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada.
Iyadoo laga jawaabayo abaarta, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la-howlgalayaasheeda bini’aadantinimo ay bilaabeen Qorshaha Ka-hortagga Abaaraha iyo Ka-hortagga Macluusha ee dhacaya bisha May illaa Diseembar 2022 si loo fududeeyo kor u qaadista gargaarka naf-badbaadinta, si looga hortaggo macluusha dalka.
Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka sida weyn ay u saameysay abaarta, waxaana xaaladda sii xumeysay ka dib markii dowladaha saaxiibbada la ah Soomaaliya laga waayay lacagihii ay ku taageeri jireen abaaraha ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.