Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay shatiyo ganacsi siisay laba bangi oo laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, kuwaas oo lagu kala magcaabo Banque Misr iyo Ziraat Katilim.
War-saxaafadeed ka soo baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ruqsad siinta labadan bangi in lagu ansaxiyay shir ay yeesheen guddida sare ee maamusha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulan yeeshay maalinimadii Sabtidii ee 2-dii bishan.
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamad Cabdullaahi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in guddida maamulka ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya inay shati ama license siiyaan labadan bangi, isagoo sheegay inay wax badan ku soo kordhin karaan hannaanka maaliyadda iyo koboca guud ee dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Bangiyada Banque Misr iyo Ziraat Katilim ayaa noqonaya labadii bangi ee ugu horreeyey ee caalami ah ee la siiyo ruqsad ay kaga howlgalaan Soomaaliya, iyada oo bilihii u dambeeyeyba ay dadaal ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ruqsad ay kaga shaqeeyaan Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Maxay ku soo kordhin karaan hannaanka maaliyadda Soomaaliya labo bangi oo ruqsad...