Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in nabadgalyada lagu dadaalo

0
293

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa kenyaanka ku boorriyay inay nabadgalyada ku dadalaan oo ay xoojiyaan midnimadooda iyadoo wadanka uu u diyaar garoobaya doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad.
Wasiirka ayaa codeynta ku tilmaamay munaasabad hal maalin ah oo aan loo baahneyn in lagu kala qaybsamo.
Dr. Matiang’i ayaa sheegay inay lagama maarmaa tahay in dalka ay midnimo ka sii jirto xita doorashada guud ka dib.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisii isagoo hoggaamiyaasha diimeed ka codsaday inay shacabka kula taliyaan muhiimadda nabadda.
Waxaa uu ku celceliyay in laga hor tago falalka wax u dhimi karo xasiloonida guud.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku cambaareeyay dhacdo dhawaan sunta dadka ka ilmeysiisa lagu tuuray isku soo bax siyaasadeed oo isbeheysiga Azimio uu ku qabanayay Kisii.