SAWIRRO:Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Ubax dhigay taalada Daljirka-Dahsoon

0
442

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sanadguurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalkaasi, ayaa ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax dhigay ka dib waxa uu ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.
“Waxaan markale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Waxaa xaqiiq ah, in si aan horay ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qaybsanno”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xuriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sanadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.