Sh Aadan Madoobe “Waxaan aaminsanahay in isku tanaasul iyo is qancin aan ku xallin karno walaalaha reer waqooyi tabashadooda”

0
466

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa dadka Soomaaliyeed la wadaagay hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo oo ay u dabbaal deggayaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in loo istaago ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 62 sano guuradii ka soo wareegatay 1-da Luulyo ee 1960-kii oo ku asteysan xornimadii gobollada Koonfurta iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur”
Waxaa uu tilmaamay in 1-da luulyo ay tahay maalin ku weyn guud ahaan quluubta Dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay tahay maalin ku asteysan gobonnimo iyo guul, taas oo u soo hooyatay gayiga Soomaaliyeed.
“Waxaan aaminsanahay haddii aan u istaagno dhammaanteen, gacmaha is qabsanno, wakhtina aan ku bixinno tanaasul iyo is qancin inaan ka mira dhalin Karno yoolkeenna ah in walaalaha Soomaaliyeed ee waqooyiga tabashadooda la xallin karo.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn carrabka ku dhuftay inuu wakhti iyo maskaxba Ku bixin doono in dhammaan dadka Soomaaliyeed dib u heshiisiin dhab ah loo furo, si jaceyl iyo niyad Sami iskula noolaadaan, taasina ay horseedo in dowladnimada Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto hadduu Rabbi idmo.