Madaxweynaha dalka oo ganacsatada Portugal u diray baaq maalgashi

0
358

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ganacsatada wadanka Portugal ugu baaqay inay gudaha Kenya maalgashi dhinacyo badan ah ka sameyaan.
Waxaa uu u soo jeediyay in meesha dhexe ee ay ka fushanayaan danahooda ganacsiga ee qaaradda Afrika ay ka dhigtaan magaalada Nairobi.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in dhaqaalaha wadanka uu sii kobcayo oo ay jiraan fursado badan kuwaasoo ay ka faa’iidaysan karaan ganacsatada daneynaya.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa baaqan diray xilli shalay isaga iyo dhigiisa dalka Portugal Marcelo Rebelo ay si wadajir ah u fureen madasha ganacsi ee Kenya iyo Portugal .