Dowladda oo guriyo u dhisaysa muwaadiniin uga dhibaateysan Sacuudiga

0
254

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka Simon Chelugui ayaa sheegay in lacag dhan 70 milyan oo shilin loo qoondeeyay sidii kenyaanka ka shaqeeya gudaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ee qaarkood ay halkaasi dhibaatooyin kula kulmaan loogu sameyn lahaa hooy ay ku badbaadi karaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wixii hadda ka dambeeya shirkadaha gaarka ah ee dadka ka howlgeliyo bariga dhexe ay qasab ku tahay inay iska diiwaangeliyaan maamulka qaran ee shaqaaleysiinta.
Chelugui ayaa carrabka ku adkeeyay in meelaha la dhisaya ay shaqaalaha soo galootiga ah uga badbaadi doonaan tacaddiyada lagula kaco.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ayuu wasiirka wasaaradda shaqada Mr. Chelugui sheegay in dowladdu ay hadda dabagal ku sameynayso kenyaanka ku dhibateysan qurbaha.
Waxaa uu ku celceliyay inay wadaan dadaallo ku aaddan marka ay dhibbanayaasha helaan hooy badbaado u ah ka dib wadanka dib loogu soo celinaya.
Wasiirka ayaa si gaar ah u carrabaabay in gobolka Xeebta ee dalka ay ka jiraan shirkado badan oo shaqaaleysiin sameeya.
Waxaa uu tilmaamay in mararka qaar dhallinyarada loo gacan geliyo kooxaha argagixisada.
Wasiirka ayaa sidoo kale laga soo xigtay in kiisaska xadgudubka loo gaysto kenyaanka u shaqo tagay qurbaha ay muddo jireen.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in labadii sano ee la soo dhaafay ku dhawaad 100 qof oo Kenyaan ah ay ku dhinteen qurbaha iyadoo aynan caddeyn xaaladihii ay ku nafwaayeen.
Simon Chelugui ayaa tirada rasmiga ku sheegay 97 kiis isagoo ku nuuxnuuxsaday inay qasab tahay in arrintan la soo afjaro.
Wasiirka ayaa horay u shaaciyay in gudaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka shaqeeyaan qiyaastii 97,000 qof oo kenyaan ah.