Dowladda hoose ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa sheegtay inay korortay tirada ardayda ee sanadihii ugu dambeeyay ku biiray machadyada lagu barto culuunta farsamada ee (TVET).
Tani ayaa loo aaneeyay olole wacyigelin oo si joogto ah loo sameeyay.
Madaxa waaxda tacliinta iyo tiknolojiyadda ismaamulkaasi Susan Ndera ayaa sheegtay in ardayda barta farsamada ay sanadkii 2013-kii tiradoodu ahayd 800 balse ay hadda gaartay 3,500.
Waxay Ndera dhanka kale dowladda dhexe uga mahadcelisay taageerada lacageed ee ay siiso ardayda wax ka dhigta machadyadan.
Ismaamulka Trans Nzoia ayaa waxaa ku yaalla 31 oo ah xarumaha farsamada ee TVET.