DHAGEYSO:Xildhibaanka Nyali oo sheegaya inay naftiisa halis ku jirto

0
498

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali ayaa sheegaya in naftiisa ay halis ku jirto oo uu u cabsi qabo.
Hadalkan ayuu jeediyay saacado un ka dib markii dad aan weli haybtoodu la garan ay weerareen xafiiska sanduuqa horumarinta ee CDF ee deegaankaasi.
Mudanaha ayaa hoosta ka xarriiqay in la bartilmaameedsanaya ka dib markii uu ku goodiyay inuu soo bandhigaya musuqmaasuq uu sheegay inuu ka dhex jiro maamulka dekadda ee (KPA).
Maxamad Cali ayaa intaasi ku daray in weerarka loo ekeysiiyay fal xatooyo ah oo lagu dhacay waxyaabo elektoroonik ah sida talefishino.

Dhanka kale ciidamada booliska ayaa billaabay baaritaan ku aaddan dhaca la soo tabiyay in laga gaystay xafiiska CDF-ta ee deegaanka Nyali.
Taliyaha booliska ee deegaan baarlamaneedkaasi Daniel Mumasaba ayaa warfidiyeennada u sheegay inay ku dadaalayaan in la aqoonsado dadka falkaasi ka dambeeyay.