DHAGEYSO:Shacab ay deegaanadooda ka barakiciyeen Al-Shabaab oo xaalado adag wajahaya

0
751

Ka dib markii dhawaan la soo sheegay in deegaano badan oo ka tirsan gobolka shabeellada Hoose dadkii shacabka ahaa ee daganaa ay barakiciyeen dagaalameyaasha Al-shabaab sidoo kalena ay tuulooyin dhowr ah dab-qabadsiiyeen ayaa talaabadaasi waxaa ka ka dhalatay Xaalad binu’aadanimo oo daran.
Deegaano ay shabaabku gubeen ayaa waxaa ka mid ah yaaqbariweyne,Baladul amiin,Leego iyo Tuulooyin kale oo hoos yimaada kuwaasoo dhamaantooda ka wada tirsan gobolka shabeelada Hoose.
Waxaana gabi ahaanba halkaas isaga soo cararay boqolaal qoysas ah oo deegaan u ahaa,kuwaasoo gaaray Xerooyin Barakacayaal oo horay gobolka shabeelada dhexe ugu yaalay.
Qaar ka mid ah dadka deeganadooda laga soo barakiciyay ee gobolka shabeelada Hoose ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen inay wajahayaan xaalad nololeed oo aad u daran.