Waxaa muddo toddobo bilood ah ka dib la helay meydka Tom Okwach oo 25 sano jir ah.
Ninkan ayaa la waayay ka dib markii ay duntay goobta dahabka laga soo saaro ee Abimbo ee deegaanka Bondo oo ka tirsan ismaamulka Siaya.
Waxaa helidda meydka Tom warbaahinta u xaqiijiyay adeerkii oo lagu magacaabo Fredrick Ogunde.
Mr. Ogunde ayaa sheegay in meydka saaka halkaasi laga soo saaray ka dib dadaal ay sameyeen 15 qof.
2-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii Tom Okwach iyo dhowr qof oo kale ay ku soo duntay goob ay ka shaqeysanayeen in kastoo markii dambe 6 ka mid ah iyagoo nool laga soo saaray.
Ogunde ayaa sheegay inay Alle u mahadcelinayaan maadaama muddo ka dib ay aasi karaan meydka wiilkooda.