SAWIRRO:Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay degmada Dhoobley

0
396

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeeyey.
Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley.
Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa u kuurgeli doono xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Dhoobleey, isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona, Maamulka degmadaasi, Saraakiisha Ciidamada & qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Golaha wasiirrada ee Jubbaland ayaa 23-kii Bishan shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansaxiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay ka mid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Maamulka Jubbaland.