Al-Shabaab oo 2 saacadood muxaadaro u jeedisay rakaab saarnaa bas ku wajahnaa Mandera

0
606

Tiro aan la garaneyn oo aad u hubeysan islamarkaana ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa habeenimadii Khamiista joojiyay bas rakaab ah oo ku sii jeeday magaalada Mandera, oo ay lahayd shirkadda basaska ee Al-Mukaram, isaga oo marayay deegaanka hoose Kutulo ee ka tirsan ismaamulka Mandera.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Al-Shabaab gaariga waddada u gashay ay muxaadaro labo saacadood qaadatay u jeediyeen dadkii rakaabka ahaa ee baska saarnaa, sida uu ku warramay wargeyska maxalliga ee Nation oo soo xiganaya booliska.
Sida laga soo xigtay booliska, dableyda Al-Shabaab ayaa ku amray dhammaan rakaabka inay ka soo degaan baska, waxayna raadinayeen dadka aan deegaanka u dhalan in ka badan laba saacadood.
“Baska wuxuu ka yimid Nairobi kuna sii jeeday Mandera, Waxa ay sidoo kale joojiyeen taksi ka yimid Kutulo oo ku sii jeeday deegaanka Ceelwaaq iyo Mooto ka timid Borehole 11, kuna sii jeeday tuulada Dimu,” ayaa lagu yiri warbixinta laga soo xigtay booliska dalka.
Waxaa ay intaasi ku dareen booliska in luuqadda af-soomaaliga ay kula hadleen rakaabkii saarnaa baska oo ay intooda badan fahmi waayeen khudbadda loo jeediyay.
Dableyda hubeysneyd ayaa isku kala qaybiyay laba qaybood kuwa ayaa baarayay baska halka kuwa kalena ay keymaha ku jireen si ay u wardiyeeyaan raggii Shababka ay khudbadeynayay.
Ma jirto cid ay waxyeelo u gaystyeen kooxdaas ka tirsaneyd xarakada Al Shabaab.
Sida ay booliska sheegeen ma jirin qof aan deegaanka ahayn oo baabuurkaas saarnaa.
Dhanka kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da ayaa mar dambe goobta tagay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgal ballaaran.
Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay beegsato dadka aan deegaanka u dhalan.