Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalkani Kenya Prof. George Magoha ayaa gaashaanka u daruuray baaqyo ku aaddan in dabagal lagu sameeyo isticmaalka lacagaha ay dowladdu siiso dugsiyada.
Waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay mid lagu marin haabinayo dadweynaha.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay xoogga saartay sidii xarumaha waxbarashada ay ku heli lahaayeen lacago ku filan.
Sidoo kale waxaa uu kuwo aan sax ahayn ku sheegay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo ah in la joojiyay dhaqaalihii la siin jiray dugsiyada.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in xarumaha waxbarasho ee dowladda ay haystaan miisaaniyad ku filan oo ay ku maareyn karaan howlahooda.