DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in si nabad ah lagu codeeyo

0
342

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiangi ayaa xilli uu ku sugnaa Kisii dadweynaha ugu baaqay inay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada guud.
Waxaa uu codbixiye kasta ku boorriyay inuu si nabad ah codkiisa ugu taageero musharraxa uu aaminsan yahay inuu wax u qabanaya isagoo aan cidda ka soo horjeedda siyaasigaasi colleysan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ee uu isaga ka mid yahay ay la shaqeynayaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC si ay ugu fududaato maareynta doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.