Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo ku baaqday in dalkaasi xayiraad lagu soo rogo

0
654

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa walaac xoogan ka muujisay kiisaska Cuudrka safmareenka ah ee Coronavirus oo dalka kusii kordhaya, dad badana u dhinteen kuwo kalena ay karantiil ugu jiraan.
Wasiir Fowsiya oo qoraal soo dhigtay Barteeda twitter-ka ayaa sheegay in sanadkii hore xakameynta Cudurka COVID-19 ay qayb wayn ka qaatay xayiraado lagu soo rogay guud ahaan wadanka, waxayna dalbatay in dalka markale xayiraad lagu soo rogo si faafitaanka cudurka iyo kororka kiisaskiisa loo xakameeyo.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Shaqada socota ay laf dhabar u yihiin bulshada ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed, waxyana u mahad celisay shirkadaha gaar ka ah, oo muhiim u ah ka hortagga iyo la tacaalida Cudurka.
Wasiir Fowsiya ayaa dhowr jeer ugu baaqday Shacabka inay ka feejignaadaana faafitanka cudurka, isla markaana Bulshada ay qaataan taalooyinka caafimaad ee wasaaradu soo gudbisay.
Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad u sii kordhayay kiisaska cudurka coronavirus, waxaana Magaalada Muqdisho iyo gobolada ugu geeriyooday Cudurka dad badan, iyadoo kiisaska ilaa iyo hadda Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya ay shaacisay in la diiwaangeliyay ilaa bishii sadexaad ee Sanadkii hore ay gaarayaan ilaa 7,257 Ruux.