Igathe oo soo jeediyay in musuqmaasuqa loo aqoonsado xaalad degdeg ah

0
471

Musharraxa xilka barasaabnimo ee ismaamulka Nairobi Polycarp Igathe oo ka tirsan isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya , ayaa ku talinaya in falalka musuqmaasuqa ee ka jiro gudaha caasimadda wadanka loo aqoonsado inay tahay xaalad degdeg ah.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu la kulmay waaxda shirkadaha gaarka ah ee (KEPSA).
Igathe ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dhibaatadan walaac xooggan laga muujiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in falalka wax isdaba marinta ee wadanka wax laga qaban karo keliya haddii dagaalka ka dhanka ah uu ka billowdo Nairobi.
Codbixiyeyaasha Nairobi ayuu ka codsaday inay xilalka hoggaanka u dhiibaan musharraxiin diyaariyay qorsho cad oo ka dhan ah musuqa.