Ruushka oo gobolka Kharkiv ku dilay 25 qof

0
579

Guddoomiyaha gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine Oleh Synehubov ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhinteen duqeyn ay dowladda Ruushka halkaasi ka gaysatay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada xukuumadda Moscow ay weli bartilmaameedsanayaan goobaha la deggan yahay ee degmooyinka hoos tago magaalada Kharkiv iyo si guud gobolkaasi.
La taliyaha madaxweynaha Ukraine ,Oleksiy Arestovych ayaa khudbad ku sheegay in weerarka Ruushka uu yahay mid lagu cabsi gelinaya shacabka.