Xisbiga Wiper ee uu hoggaamiyo Kalonzo Musyoka ayaa ka baaran degaya inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Waxay ka soo horjeedaan go’aankii IEBC ay barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko ugu diiday inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Mombasa.
Madaxa Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka IEBC.
Musyoka ayaa sheegay inay maxkamadda tagayaan si ay caddaalad ugu raadiyaan Mike Sonko.