Dowladda oo wado qorsho ay isugu filnaan karaan qaxootiga

0
608

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiangi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay soo saartay nidaam dhinacyo badan ah oo looga falcelinaya baahiyaha qaxootiga iyo dadka deegaanka ee marti geliyay.
Waxaa uu sheegay in qorshahan uu fududeyn doono inay isku filnaadaan dadka qaxootiga ah iyo kenyaanka ay wada deggan yihiin.
Dowladda ayaa dib u eegis ku sameysay xeer khuseeya qaxootiga.
Sidoo kale sanadkii hore ayaa la soo saaray xeerka Refugee Act 2021 si ay taageero dheeraad ah dowladda uga helaan dadka qaxootiga ee ku nool gudaha wadanka.