Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay shabakad ku eedeysan Shabaabnimo

0
295

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu dambeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid rag lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka iyo qaraxyada ka gaysan jirtay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Afarta ragga ee Maanta Puntland xukunka dilka ah ku ridday ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin, Jaamac Aadan tusbaxle, Ayuub Cumar shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse, kuwaas oo Ciidamada Puntland ay howlgallo ku soo qabteen.
Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda Ciidamada xarunteeda Boosaaso ayaa sheegay in baaritaan dheer oo lagu sameeyay ay ku cadaatay dambiyada loo haysto, islamarkaana ay dil toogasho ku xukumeen.
Puntland ayaa horay waxaa ay xukuno dil ah ku fulisay rag lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, islamarkaana dilal iyo qaraxyo ay ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.