Isbitaalka qaran ee KNH oo kenyaan badan ka diiday iibinta kilyahooda

0
480

Isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa ku gacan seyray wax uu ku sheegay codsiyo joogta ah oo uga yimid qaar ka mid ah Kenyaanka ee doonaya inay iibiyaan xubin ka mid ah jirkooda.
Maamulka isbitaalka qaran ee KNH ayaa laga soo xigtay in la soo weydiiyay su’aalo badan oo ku saabsan dadka doonaya inay ka ganacsadaan kilyahooda ama mid ka mid ah iska iibiyaan.
Su’aalaha la soo weydiiyay maamulka isbitaalka KNH ayaa waxaa ka mid ah, Immisa ayaa kilyahayga ku iibin karaa?
Hasa ahaate maamulka isbitaalka qaran ee Kenyatta ayaa caddeeyay in iibinta kilyaha iyo dhammaan xubnaha jirka bini’aadamka ay sharci darro ka tahay dalka, islamarkaana qofka uu is ikhtiyaar ah kilidiisa deeq ahaan u bixin karo iyo wixii la mid ah.
“Fadlan ogow in iibinta xubin ka mid ah jirkaaga ay tahay mid mamnuuc ah oo aan sharci ahayn, balse si xor ah waad u tabaruci kartaa,” ayuu yiri maamulka isbitaalka KNH ka dib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka
Inkastoo waddamo badan oo caalamka ah uu sharci darro ka yahay, haddana ka ganacsiga kelyaha ayaa ah mid faa’iido badan oo dhaqaale laga helo, iyadoo dilaaliinta ay isticmaalaan baraha bulshada si ay ula xiriiraan kuwa doonaya inay kilidooda iibiyaan.
Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, dalalka ku yaalla Koonfurta Asia ayaa ah hormuudka beerista Kilyaha ee caalamka, iyadoo wadanka india uu ka mid yahay kuwa ugu sarreeya ee dhoofinta kilyaha.
Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 2,000 oo muwadiini Hindi ah ay iibiyaan kilyahooda sanad walba, kuwaas oo intooda badan ka iibiyo xubintaasi dad ajaanib ah.
Waddamada, India, Nepal, Bangladesh, Pakistan, Sri Lanka iyo Iiraan ayaa la sheegay in yihiin suuqa madow ee ugu wayn adduunka ee iibiya Kilyaha.
Qaybta dhiigga ee biyaha ama dareeraha ee loo yaqaano Plasma , shahwada iyo timaha ayaa ka mid ah xubnaha kale ee la iibiyo islamarkaana lacago badan laga helo.