SAWIRRO:Rw Rooble oo maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee golaha wasiirrada

0
586

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ee shaqada ka sii tagaya Maxamad Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
Rw Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha Qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.
Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in berri oo Arbaco ah la horgeeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa 17-kii Bishi Sagaalaad ee sanadkii 2020-kii waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xukuumaddiisa ay soo martay marxalado kala duwan iyo khilaaf kala dhexeyay Madaxweynihii xilka baneeyay.