6 carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan

0
413

Waxaa sii xoogeysanaya xaaladaha nafaqa darro iyo Abaarta ka jirta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taas oo saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo Carruur dhowr ah ay u geeriyoodeen macluul.
Agaasimaha Isbitaalka degmada Maxaas Yaxye Cabdi Garruun ayaa sheegay in lix Carruur ah ay degmada ugu geeriyoodeen xaaladaha nafaqa darro, welina ay sii jirto xaaladda macluusha ah.
Agaasimaha oo teleefishinka qaranka Soomaaliya la hadlay ayaa sheegay in Abaarta iyo nafaqa darrada ay si wayn u saameysay dadka ku nool tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas , sigaar ahna u saameysay Carruurta da’doodu ka yar tahay 5-ta sano, islamarkaana maalin walba ay nafaqa darro ay u geeriyoodaan laba ama Saddex Caruur ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in degmada Maxaas xilligan aysan jirin hay’ado ka howlgalla, sidoo kalena aysan wax gurmad ah ka helin Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Isbitaalka degmada Maxaas uu yahay Isbitaal ay ku tiirsan yihiin dadka ka kala yimaado degmooyinka Ceelbuur iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo aanan lahayn adeegyadii Caafimaad ee loo baahnaa, isaga oo walaac ka muujiyay xaaladda caruurta nafaqadarada soo ridaneyso maalin walba oo tiradoodu ay sii kordheyso.
Degmada Maxaas ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana xilligan ka jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaraha.